Hargeysa -Awdalonline: Wararka naga soo gaadhaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in ay shirka jaraa’id ee ay qabteen oday dhaqmeedyo gobolka Waqooyi Galbeed kasoo jeedaa uu waji gabax ku riday shacabka reer Hargeysa ee nabada jecel halka ay kuwo u ololeeya ooodo oodaysigu ay ku amreen shacabka aan qabiil ahaan kasoo jeedin beesha dhexe ay ka baxaan caasimadii hore ee Somaliland ee Hargeysa oo shalay wixii ka danbaysay noqotay caasimada beesha dhexe waa sida ay hadalka u dhigeene.
Waxay wararku intaa ku darayaan durmaankan colaadeed inay tahay mid nasiib daro ku ah shacabka gobolada waqooyi ku nool oo ay tahay nasiib daro wax ay u dhimaysaa jirin beelaaha darifyada ilaa inay kuwii durmaankan qaatay naftooda mooyaane. Ilaahay kibirka wuu xaaraantinimeeyey lakiin waxaad moodaa in odayadii Hargeysa ka hadlayey ay kibir iyo isla wayni ay hoday ayna war ka hayn sida dhulka loo kala degan yahay. Maanta ha noqota ama 1960 kii hanoqotee wax ay cid u dhimayaana ayna jirin – gobolka Awdal iyo Selel xuduudihiisu waa muqadas iyagaana ka muhiimsan xitaa jiritaanka Somaliland ayey ka dhawaajiyeen aqoonyahanka gobolada galbeedka Somaliland arintan odayada Hargeysa abuurayaana waa mid iyaga kusoo noqon doonta ayey sheegeen.
Magalaada Hargeysa waxay caasimad ku tahay umad oo dhan ayaa ku noolayd hadii umadaha kale ka dareeraan waxay noqon tuulo beeleed umana aha dan dhacabka inta caqliga furan- shaqsi walba degaankiisu waa inuu ku filnaadaa ayey mudo dheer ku baaqayeen waxgaradka iyo cushaaqa galbeedka Somaliland ee beelaha Gadabursi waxaase moodaa inuu samirkii soo dhamaanayo oo Somaliland cida ku caano maashaa ee faa’iidada ku qabtaa ay tahay dadka ay sheegayaan inay u hadlaan odayada shirka jaraa`id waxy ku tilmaameen sheegay.
Sidoo kale gadiidkii iyo shacabkii isku socon jiray ayaa maanta wararku sheegayaan inay yaraadeen taasina ay keentay in fidno shacabka lagu dhex abuuray keeni karta cawaaqib xumo loo xanbaarin doono kuwii fidnada kiciyey iyo kuwa daawanaya ee aan waxba ka qabanayn – dhiilka ay tilmaameen inuu buuxsamay oo cid walba ay Hargeysa ku nooshahay waxay ku noqon doontaa hadal ay ka qoomamoodaan ayuu sheegay Dr. Dahir A. Shire oo ka mid ah aqoonyahanada kasoo jeeda Saylac ee gobolka Selel. Ninkii gaajo u dhimanaya aan aragnee halaga dareero Hargeysa ayuu ku taliyey aqoonyahanku isagoo hadalkiisa sii wata wuxuuna tibaaxay halka ay aduunku iska urursanayaan in dhawr oday oo qiiraysani ay rabaan in qoryo la’isku qaato oo ninba tuulo lagu xidho waase kaskooda ayuu ku tilmaamay wixii ay ka helaana iyagaa qaybin doona – waayo ilaahay kibirka wuxuu ku tilmaamay arin cawaaqib xumo leh oo arintani tahay in nimcada ay umada u sheegaan ma xajin karayno ee aan iska daadino oo aan dadka dulmi la doonano nabada ku hurda lakiin isagaa gacmihiisa kaga dhergi wixii halkaa uga soo baxa.
Ilaahay ayaa reer Awdal/Selel (Gadabursi) dhigay min Harawa ilaa Buurta Almis iyo Buloxaar -Lughaya – Cabdigeedi ilaa Loyacado cidna kama baryayaan ee odayadu sidaa haku seexdaan ayuu kusoo gabagabeeyey aqoonyahanku hadalkiisa.
Warqabadka , Awdalonline

