Boorama[AOL]Saraakiil ka socotay Baanka Aduunka gaar ahaan kuwa maalgaliya ganacsatada soo koreysa ayaa soo gaaray magaalda Boorama ee xarunta maamul goboleedka Awdal State of Somalia, saraakiisan oo ay tiradoodu ahayd 5 ayaa waxa ay kulan balaadhan la yeesheen ganacsatada Somalia waxana ay ahayd ujeedada kulankaasi sidii ganacsatada loogu soo bandhigi lahaa inay ka faaiidaystaan maalgalintan oo ay ka qayb qaadan karaan ganacsatada leh ruqsada ganacsi isla markaana hadii ay shuruudaha buuxiyaan heli doona lacago maalgalineed oo dhan inta u dhaxaysa $5000-$250000.

Kulankan ayaa waxa ka hadlay madaxa hayada Baanka Aduunka ee Somaalia ee mashruucan waday Mr. Denis Duf waxana uu sheegay in mashruucani uu yahay mid aad u balaadhan loona baahan yahay inay ganacsatadu ka faaiidaystaan, waxa uu intaasi ku daray in mashruuucan ay maalgalinayaan Bangiga Aduunka isla markaana uu yahay fursad balaadhan oo u furan cid walba oo ganacsato ah.

Maayar ku xigeenka Boorama Mud. Muumin Gadiid Cumar iyo Badhasaab ku xigeenka Awdal Mud. Cabdiraxmaan Nuur Sugaal oo iyaguna ka hadlay madashan ayaa waxa ay soo dhaweeyeen hayadan, waxana ay sheegeen inay fursadani tahay mid aad u balaadhan o lagu hormarinayo ganacsigiga iyo ganacsatada. Masuuliyiintan ayaa waxa ay hoosta ka xariiqeen in ganacsatada looga baahan yahay in ay u hogaansamaan shuruudaha maalgalinta ganacsigan.

Madashan ayaa waxa halkaasi la iska waydiiyay su’aalo badan oo ku saabsan sida ay suurta galka ku tahay ganacsigani, waxana halkaasi lagu soo bandhigay macluumaadka ay u baahan yihiin ganacsatadu.