Sida laga warqabo, waxa bilahan sannadka horraantiisa, lagu ballan sanaa in la sameeyo xus weyn oo xasuus u ah dadkii masaasiinta ahaa ee tirada badnaa ee lagu xasuuqay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay sannadihii 91 iyo muddadii ka horreysey, waxa kale oo iyana la xasuusan doonaa, dhagarihii laga galay shacabkii sida nabadda ah u marayey Jidka Kala-Baydh iyo kuwii habeenka loogu yimid tuulada Seemaal.imagesCA5RDH0E

Sidoo kale waxa iyana la xasuusan doonaa, wiilkii yaraa ee Jimcaale ee sida badheedhka ah loogu malgay magaalada Borama dhexdeeda, iyo weliba gabadhii 7ba jirka ahayd  ee baabuurta madaxda Somaliland ay ku jiidhay jidka Borama.Haddaba waxa la xasuusinyaa shucuubta ka soo jeedda galbeedka gobollada woqooyi amma Somaliland in ay u diyaar garoobaan xuskaa oo ka dhici doona dalka gudihiisa iyo dunida daafeheeda. Immigana waxa socda u diyaargarawgii iyo  abaabulkii hawshaa. Wixii faah faahin kala Soco Shabakada.