Mujaahid Mud. Muuse Carab Dugsiiye oo shir Jaraa’id ku qabatay Boorama uu sheegay in arinta Saylac
ay meel xasaasi ah oo aad u daran marayso waxana uu yidhi “ Waan ka
dharagsanahay xaalka Saylac ee maanta, balse waxa aan Somaliland u sheegaynaa
in Saylac ay noqon doonto xabaashii Somaliland hadii si degdeg ah looga Jawab
waayo, xukuumadu ay faragalinta uga dayn waydo, sharciga dalkana la marin
waayo, arintani waa ka go’aan dadaka ku nool Awdal,Salal,iyo Gabiley mana aha mid cid laga
qarinayo”.
Saylac 5 dawladood ayaa Ugaasyadii beelaha Awdal ay kula saxeexdeen heshiisyo,
wax la aasaasayo maanta ma aha, waxana aan rabnaa in xukuumada Somaliland ay
raali galin ka bixiso waxa cadaalad darada ah ee ay ku samaysay dadka
aqlabiyada ah ee reer Awdal oo ay cad tiro badan oo ay lahaayeen ka
duudsiday.
Waxa aan aaminanahay Somaliland bari iyo galbeed in ay cida dagaalanta ee Qori
qaadata ay wax siiso, maantana waxaan diyaar u nahay in aan hubka qaadano oo
aan waxii aan xaqayaga ku helayno aanan cidna uga amar qaadanayn, 24 saac
gudahoodna waa inay xukuumadu jawaan ka keentaa in Saylac ay la mid tahay dalka
intiisa kale.