In dhowaydba waxaa socday fargalin Qaawan oo ay Beelaha ku abtirsada SNM ku hayeen Xildhibaanadii kasoo baxay Degmada Saylac . Waxa aynu lawada soconaa in maaulka Somaliland watay qorshe la ga soo abaabulay Dalka Djiboouti oo ahaa in badhasaabka Saylac Loo magacaabo Qof Isagu u dhashay wadanka Djibouti .Hase yeeshe arintaas waxaa ganafka Ku dhuftay dadwaynaha Reer Awdal iyo salel Dhamaan. Waxa kale oo la ogyahay in qadiyada Saylac dhiig u daatay oo dad u geeriyoodeen.
Hadaba Iyada oo ay sidaasi tahay waxa warar kii ugu danbeeyey ee naga soo gaadhaya magaalada Saylac sheegayaan in Wasiirka Arimaha Gudamaha Somaliland Iyo Habarta wasiirka Wax barashada oo hada ku sugan magaaldaas ay ku qanciyeen Beesha gadabuursi Ee haysata aqlibayada Degaankaas In Maayor ku Xigeenka uga tanaasusho Beesha Ciise.
Hadaba waxaa looga digayaa 10 Xildhibaan Ee Beesha Samaroon in ay ka digtoonaadaan Shirqoolada Beelaha Ku bahoobay SNM ay la damacsanyihiin ayna Marnaba aqbalin in ay Siiyaan Xaqooda Beela kale oo aan adi waxba kuu ogalayn.

