Sida Dacwadda ka dhan ah Siilaanyo ee ka socota London ee la xiriirta Dorashadii Degaanka oo kale ma haboontahay in dacwad taas oo kale ah laga furo Paris ama London oo lagu soo oogo Madaxweynihii hore ee Rayaale iyo talihii ciidankiisa Nuux Taani oo la xiriirta dilki foosha xumaa ee lo gaystay dadkii safarka aha ee lagu gumaaday Jidka u dhaxeeye Gabiley iyo Kalabaydh 7/112009.Dilkas oo loo hayo cadaymo badan oo sheegaya in Taliye Nuux Taani oo adeegsanaya awood dawladda uu fuliyey Falkas waxshiga ah.Waxa cadaynta marag madoontada ahi ayba tahay in Taliye Nuux Taani ka soo qaaday maydkii afartii Marxuum ragii qashay ee falka sameeyey isagoon haba yaratee aan wax talabo ka qaadin dadqalatadii.Kaaga darane hanti badan oo ay dhaceen ragaas oo isugu jirtay baabuur ,badeecado iyo lacag badan($150,000) laga dhacay dadkii la qashay ugu yimid kuwii falka gaystay.Isagoo Ciidan xad dhaaf ah ay si wadajir usoo dul dhigeen magaalada Boorama isaga iyo talihii ciidanka Boliska ee wakhtigas General Saqadhi.Ciidamadaas oo dadkii geeriyeysnaa ee magalada Booraama ee ka gadooday maydka sida xun loo jarjaray ee Taliye Nuux hortooda ku soo daadshay ugu daray rasaas aan loo aabo yeelin kuna dilay wiilki dhalin yarada aha ee Cadilxamiid oo Shan ku noqday Afartii Marxuum ee jidka lagu qashay oo weli an maydkoodii la aasin.
Madaxweyne Rayale dhibta intaa leg iyo dhagartaas ,,wax uu ka qabto iskadaaye xataa kama anu hadlin xata tacsi iyo Eray ku saabsan in halkaas dhibi ka dhacday afkiisa lagama helin. Waxana dad badani ay arinkaas u macnaysteen in laba mid uun ay ahayd 1- Inu arinkaas wax uu ka oga iyo 2- in awood LA,ANI AY HALKAS DHIGTAY oo Taliyaha Ciidanka Nuux Taani uu ka awood badnaa.Midkay dontaba ha ahaatee ,,hadii dacwad la furo waxa iman xaqiiqda cidda dambigaas iyo dhagarta inta leeg gashay ee masuulka ka ahayd 7/11/2009.
Haddaba akhristayal hadii dacwadaasi ay haboontahay in laga Furo London ama Paris jawaab ka soo bixiya.
Qoraalka hoos ku qaran oo ah dacwad ka dhan Siilanyo oo london ka socota bal uu fiirsada.
Mohamed Dirane mohameddrn@hotmail.com
Dacwad Ka Dhan Ah Siilaanyo Oo Dhegaysigeedii Ugu Horeeyay Ay Ka Qabsoontay London
Dacwadda lagu soo oogay madaxweynaha JSL, Axmed Maxamed Maxamuudd Siilaanyo, oo ay dabada ka riixayaan taageerayaasha urur siyaasadeedka Xaqsoor ayaa gashay kalfadhigii afaraad isla mar ahaanta ahayd maalintii Isniintii ee 14/01/2012 markii ugu horreysay ee ay isugu yimaadaan 6 garyaqaan oo isugu jira garyaqaano ku takhasusay qaybaha kala duwan ee sharciyada (barristers) kuwo kalena ay yihiin garyqaano ka socda sharikadda dacwadda gacanta ku haysa (solicitors) halkaasoo muddo lix saacadood ah lagu qaadaa dhigayey caddeymihii la soo bandhigay iyo qoraallo farabadan oo la xidhiidha doorashadii ka dhacday Somaliland bishii November, 28dii ee sababtay dhaawac iyo dhimashadaba taas oo ah arrinka dacwadda sal u ah. Waxaanu idinla socodsiinaynaa inaanaan idin u haysan inaanu shaacino magacyada lawyarada iyo sharikadda-toona.
Waxaa isniniintii todobaadkani 14-kii bisha January 2013-ka ka qabsoomay magaalada London kulan dhex maray masuuliyiintii urur siyaasadeedka XAQSOOR iyo garyaqaano ay qabsadeen oo dacwad dhawaan ku soo oogi doona xubno ay ka mid yahiin madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur iyo guddoomiyaha koomiishanka doorashooyinka qarranka Ciise Xamari, haddaba nuqul ka mid ah faahfaahinta kulankaasi ku dhex maray London masuuliyiinta Urur siyaasadeedka XAQSOOR iyo garyaqaanadda u doodaya ayaa waxaa lagu yidhi sidnai:legal meeting
Caddeymaha
Marka ugu horreysa waxay garyaaqaanadu aad uga naxeen carruurta da’doodu aadka u yartahay ee ku naf waayey degmada Axmed Dhagax iyo kuwa kale ee ay dhaawacyada culisi soo gaadheen. Waxa la weydiiyey dacwoodayaasha haddii ay in uun ay garanayaan sababta kallifatay inay askartu si toos ah u toogato carruur da’doodu sidaas u yartahay; sababta ay askartu u isticmaali waayeen qalabka loo adeegsado rabshadaha (riot gear) amaba ay ula iman waayeen xeelado ama hab kale oo ay rabshadah ku joojiyaan. Dhammaan su’aalahaas ayaa qolooyinka watay dacwaddu aanay waqti iskaga lumin oo ay jawaabahooda iskaga riixeen in la weydiiyo dowladda Somaliland ama askhaasta dacwada lagu soo oogayo. Laba ka mid ah carruurta dhimatay ayey da’doodu kala ahayd 13 jir iyo 14 jir oo mid ka mid ah xabbadda lagaga dhuftay dhuunta sida sawiradiisa warbaahinta lagu faafiyey, ka kalena lagaga dhuftay qoorta xaggeeda dambe, taasoo muujinaysa inuu ilmuhu sii cararyey marka xabbadda lagu dhuftay halka uu ka kale ku soo jeeday askarta.
Caddeymaha la soo bandhigay ee dilka iyo dhaawaca carruurta ku saabsanaa ayaa ahaa kuwo aad u fara badan oo isugu jira caddeyn la taaban karo (physical evidence) mid sawirro ah, maql iyo muuqaal iyo mid cod keliya ah iyo dokumentiyo qoraal ah. Caddeymahaas ayaa marka horeba ay wateen oo waddankan la yimaadeen xubno ka mid ah Xaqsoor qaarna laga soo diray waddanka. Garyaqaanada ayaa waxa ka yaabiyey sida caddeymaha loo soo helay kuwaasoo had iyo jeer aanay haysan dadka dacwooyinka soo oogaa. Waxa la arkay sawirro ah sida ay dhibanayaash (victims) xabbaddu jiidhka iyo lafta u kala firdhisay iyo qiyaasta ama kaliibarka xabadaha la isticmaalay (caliber or size of bullet). Waxa la soo bandhigay sawiradii qasharadii xabadaha la isticmaalay iyo lambaradoodii oo si cad oo waadix ah loo arko.
Waxa kale oo la daawaday carruurta la dhaawacay halka ay nabaradu kaga dhaceen. Qoraalo fara badan ayaa ka kala yimid hay’ado kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwa xuquuqul insaanka hase ahaatee waxa kale oo iyagana qoraallo warar u badan oo ay soo tarjumeen dad ka madax bannaan qolooyinka wata dacwaddu laga soo kala xigtay website-yo kala duwan oo ay ka mid yihiin Hadhwanaagnews, Somalilandpress, Geeska Afrika, Waaheen, Ogaal, Hiiraan iyo shabakadda afka dowladda ku hadasha eeSomaliland.Org. Waxa si gaar ah ay dhowr jeer garyaqaanadu carabka ku dhufteen shabakadda SomalilandLaw oo u fududeysay inay shuruucda waddanka ka jirta ay wax ka fahmaan.
Waxa sidoo kale kilibyo fiidiyo ah (video clips) laga soo kala qaatay, Horn Cable TV, Somali Channel iyo Universal TV kuwaaso tarjumaado qoraal ah lagu soo sameeyey (subtitles).
Mid ka mid ah garyaqaanada oo aad u soo darsay iska-hor imaadyada dhexmara ciidamada qalabka sida ee Somaliland iyo kooxaha dableyda ee jiidda bari ayaa hadalka soo dhex galay oo si cad ugu sheegay dacwo oogayaasha in haddii ay ka mid yihiin jabhadaas dowladda la dagaalanta aanay lacagtooda iyo waqtigooda midna iska lumin maadaama aanay suuragalayn in kiiska noocaas oo kale ah guul laga gaadho iyadoo caddeymo iyo qoraallo warbixin ah Qaramada midoobay laga helo mooyaane. Waxay tusaale ahaan u soo qaateen waddanka Suuriya oo caalamku ogyahay waxa ka socda; dad tiro badanna ku dhinteen oo labada dhinacba midba midka kale ku eedeynayo inuu xuquuqul insaanka meel kaga dhacay.
Garyaqaankaas oo aan isagu fahamsanayn deegaanka iyo beesha ay ka soo jeedaan dacwoodayaashu ayaa markii dambe loo soo bandhigay in deegaanka iyo beesha laga hadlayaa aanay isku mid ahayn, kuna qancay markii dambe sharraxaadii la siiyey.
Waaranka
Waxa kale oo la weydiiyey dacwoodayaasha in askhaasta loo haysto inay geysteen denbigan dilka iyo dhaawaca isugu jira ee loo fadhiyo ay yihiin wakiilo dowladeed ama wax ay garyaqaanadu ku sheegeen afka-ingiriisiga (State Agents). Waxa la isla qaatay inay wakiilo dowladeed (State Agents) ay denbiga geysteen.
Sharikaddan garyaqaanada (Law Firm) oo ah shariikadaha ugu sarreeya ingiriiska ee ku takhasusay kiisaska noocan oo kale ah ayaa ah mid had iyo jeer wargeysayda Ingiriisku ay soo xigtaan marka laga hadlayo denbiyada noocan oo kale ah. Lacagta ku baxaysa dacwadda ayaa ah mid aad u farabadan iyadoo tusaale ahaan maalintaas oo keliya qarashka baxay uu ahaa £3,600 ($5788) iyadoo saacadaha la fadhiyeyna ay ahaayeen lix saacadood iyo badh. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa shaaca ka qaaday in tabaruc badan oo kale uu ka yimi waddamada Carabta, Maraykanka iyo Yurubta kale kuwaasoo dhiiragelinaya in dacwadda la dhammeystiro.
Waxa ay dacwoodayaashu ku cadaadinayeen oo xoog ku saarayeen garyaaqaanada mar walba in waaranka si dhakhso ah loo soo jaro.
Waxa la isla qaatay in fadhiga dambe ee kan xiga uu soo dhammaado isla mar ahaantaana dhisidda iyo sii adkaynta kiisku uu sii socdo.
Waxa ay garyaqaanadu mar labaad ku celiyeen in maadaama dadka la laayey ay yihiin carrur, caddaymo farabdanna la hayo, inay u fududahay inay soo jaraan waaranka hase ahaatee kiiska dhisidiisu uu barbar socdo.
Markay arrintu halkaas marayso ayaa mid ka mid ah dacwoodayaasha ayaa yidhi, “Ma doonayno inuu madaxweynuhu yimaado waddankan [Ingiriiska].” Lixda garyaqaanba mar qudha ayey is-wada eegeen iyagoo fajacsan, markaasaa mid ka mid ahi yidhi, “Malaha waxaad u jeedaa, waxaanu doonaynaa inuu madaxweynuhu yimaado waddankan,”. “Maya, ma doonayno inuu yimaado waddankan marka waaranka loo soo jaro.”ayuu ku celiyey dacwooduhu. Arrintaasi waxay keentay xoogaa is-afgaranshawaa waa ah ujeedad laga leeyahay waaranka. Waxa caddaatay in garyaqaanadu ay doonayaan inuu madaxaweynuhu waddanka soo galo ka dibna la qabto oo uu hor yimaado maxkamad si uu uga jawaabo kiiskan iyo waxa dhacay.
Waxa dacwoodayaasha ka codsadeen garyaqaanada in waqti la yara siiyo ay ku wada hadlaan. Waxa la isula baxay af-Soomaali waxaana lagu kala qaybsamay in madaxweynaha aan loo digin oo uu iska soo galo si loo qabto iyo in loo digo oo aanu waddankan soo galin. Ugu dambeyntii, waxa la isla gartay in horta waaranka la soo jaro oo doodaas dib loo dhigo.
Xisnaanadda Madaxweynah Waxa kale oo la is-weydiiyey inuu madaxweynuhu leeyahay xisaanad aan la xidhi karin iyo inkale waxaana caddaatay maadaama Somaliland ay tahay waddan ka goostay Soomaaliya oo aan la aqoonsan inaanu madaxweynuhu lahayn xisaanad dibloomaasiyeed sida ku qeexan shirweynihii Geneva ee 19661 (Immunity under GenevaConvention of 1961). Taasi waxay noqotay caqabad weyn oo laga cabsi qabay markii hore hase ahaate marinka u furtay in madaxweynaha loo jari karo waaranka lagu xidhayo marka la eego caddeymaha faraha badan ee ay goobta keeneen taageerayaasha ururk Xaqsoor. Waxa garyaqaanadu sheegeen in marka ay eegeen caddeynta hortaalla iyo aqoonta ay u leeyihiin kiisasaska noocan oo kale ah in Agaasimaha Dadweyne-u-Dooduhu (Director of Public Prosecutions) uu oggolaan doono caddeynta ay hayaan oo waaranka in la soo jaro ay fududahay maadaama carruur yaryar oo aan hubeysnayn ay ku naf waayeen goobtaas.
Waxa qoraallo hore loogu soo gudbiyey garyaqanada lagu xusay in madaxweynuhu uu u imanayo waddanka Ingiriiska wada hadallo ay Soomaaliya kula yeelan doonaan dalkan ingiriiska bishan May ee sannadkan halkaasoo xidhiidhka mustaqbalka ee labada waddan lagaga wada hadli doono. Waxay garyaqaanadu sheegeen in madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo, aanu waddankan ku iman karin waxay ku macneeyeen Socdaal Gaar ah oo Wata Xisaanadiisa (Special Mission With Immunity Status).
Taas micnaheedu waxa weeye in masuulka dacwadda lagu soo oogayaa oo u socdo hawlo dibloomaasiyeed oo la ictiraafsan yahay lana xidhiidha hawl caalami ah “a means to conduct ad hoc diplomacy in relation to specific international business”. Waxay garyaqanadu isla qireen in Xafiiska Arrimaha dibadda ee Ingiriisku aanu madaxweynaha u cuskan karin qodobkaas waayo Somaliland lama ictiraafsana. Qodobkaas waxa loo cuskaday oo ku badbaaday ra’iisul wasaarihii hore ee Israel, Tzipi Livni, markay socdaal ku timi Ingiriiska iyadoo waaran loo soo jaray. Markii ka dambeysay kuma ay soo noqon.
Hase ahaatee waxay sheegeen in maadaama Ingiriisku aanu Somaliland u ictiraafsanayn waddan sidiisa u madax bannaan in Xafiiska arrimaha Dibadda ee Ingiriisku ay suuragal tahay in madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo, ay ku casuumaan magaca dowladda TFG-da ee Soomaaliya [micnihii isagoo wefdiga Soomaaliya ka tirsan kana socda si xisaanad uu u yeesho] si ay ugala baxsadaan xadhig bisha May ee shirka loo qoondeeyey. Laakiinse haddii ay taasi dhacdo waxa markaas meesha ka baxaya wadahadaladii ahaa laba waddan oo siman oo uu wada hadlaya Soomaaliya iyo Somaliland waayo wefdigii labad dhinacba waxay ku wada socdaa magaca TFG-da.
Waxayse sheegeen marka waaranka gacanta lagu dhigo in madaxweynaha la qaban karo haddii uu socdaal kale oo khusuusi ah uu ku yimaado waddanka Ingiriiska.
Waxa gorfayntii dib loogu noqday waxa sababay dilka oo ahayd doorasho ay taageerayaasha Xaqsoor u arkeen in la boobay. Taasina waxay keentay in Ciise Yusuf Maxamed (Xamari) uu diiradda soo galo. Waxay xoog uga ad-adkaayeen dacwoodayaashu in isaga aakhiro loola dadago waa siday hadalka u dhigeene. Waxa la dhageystay kilib maqal iyo muuqaal ah oo uu ka hadlayo Suldaanka Guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir oo uga digaya komishanka qaranka inaanay ku dhawaaqin natiijada ee horta baadhitaan sameeyaan ku saabsaan dacwadda.
Waxa la dawaaday caddeymo ah waraaqahii codeynta ee la gubay iyo kuwa lagu codeeyey ee rabshaddu ka kacday. Waxa la dhageystay kilib fiidyow ah oo uu ka hadlayo Xoghayaha komishanka u qaabilsanaa Seylac oo uga digaya komishanka inaanay doorasho xor iyo xalaal ahi toona dhicin. Waxa la dhageystay kilib maqal ah oo la taliyaha madaxweynaha Somaliland u qaabilsan arrimaha bariga, Fuaad Aadan Cadde, uu eedda doorashada la musuqmaasuqay dusha ka saarayo Ciise Xamari. Ciise Xamari ayaa isaga si midaysan laysugu raacay in waaranka loo soo jaro oo ay dacwoodayaashu qabaan inuu yahay ninka hormuudka ka ahaa ee lagu adeegtay ee sabab u ahaa dilka iyo dhaawaca iyo boobka iyo eexda doorashada ka dhacday.
Waxa kale oo ay garyaqaanadu su’aal ka weydiiyeen dacwoodayaasha silsilada amarka (Chain of Command) ee waddanka ka jirta taasoo keentay inay diiradda soo galeen wasiirka arrimaha gudaha iyo taliyaha ciidanka boliiska.
Fadhiga dambe ayaa lagaga hadlayaa in waaranka lagu daro labadan iyo inkale hase ahaatee illaa immika waaranku wuxuu ku kooban yahay madaxweynaha iyo Ciise Xamari.
Gebogebo Waa ayaan darro aad u weyn in madaxweynihii aynu innagu dooranay in dacwad sidan u khatar ah oo cawaaqib xumo weyn u leh sumcadda Somaliland lagu soo oogo oo weliba lagaga furo waddan shisheeye iyo carro faranji. Waxa muhiim ah in la is-weydiiyo waxay sababay. Nacaska iyo dhangagaaluhu lagama yaabo inuu ka garaabo, laakiinse ninkii in uun damiir iyo dadnimo leh wuu fahmi karayaa waxa keenay arrintan.
Gefka iyo xaqdarrada lagula kacay ururka Xaqsoor iyo dilka iyo dhaawaca loogu daray taageerayaashiisa waa mid aan la illaabayn laakiinse waa mid la cafin karo haddii marinkii ay lahayd loo soo maro. Shuruucda iyo dastuurka qaranka looma samaysan in muunad laga dhigto ee waxa loo samaystay in lagu kala baxo marka wax la isku qabto sida xaaladdan oo kale.
Ururka xaqsoor tabasho fara badan oo taxan min galbeed illaa bari ayey sheegteen laakiinse tabashadoodii waa laga hoos qaadi waayey oo dheg jalaq looma siin. Waxa xogtii (Data) laga masaxay kombiyuutarka komishanka qaranka oo la sheegay in fayras (virus) galay- fayraskaasina abbaaray Xaqsoor oo keliya. Waa denbi (criminl offence) in kombiyuutarka laga masaxo xog la isla ogaa. Waxa kale oo la waayay sanaaduuqdii Axmed Dhagax oo ahayd halkii codka ugu badan ururku ka filayey, hoygiisana ahayd, wax sharraxaad ah oo laga bixiyey ma jirto illaa maantadaas. Waxa si badheedh ah loo uus-miirtay sanaaduuqdii codadka ee Xaqsoor. Waxa la gubay, oo denbi kale oo weyn ah (serious criminal offence) waraaqihii codaynta oo si cad loo wada arko in loo codeeyey murrashaxiin Xaqsoor ka tirsan iyadoo aanay jirin xisbi kale oo waraaqihiisa la daadiyey oo la gubay. Denbiyo waa weyn ayaa la galay laakiin denbi baadhis lama samayn, la ismana weydiin waxay ku dhaceen denbiyadaasi.
Waxa laga dambeysiiyey in dhiig dhallaanka Axmed Dhagax la daadiyo oo raggii dhiiga daadiyey ay dowladdu illaa mantadan qarinayso. Wax baadhis ah oo la sameeyey ma jirto. Guddi baadhis ah oo loo xilsaaray ma jirto. Markii ururka Xaqsoor damcay in laga dacwoodo denbiyadaas waxa la faray maxkamadihii Somaliland oo dhan in aan dacwad laga qaban Xaqsoor taas oo ay ku jirto Maxkamaddii ugu sarreysay ee waddanka.
Waxa fashilmay garsoorkii Somaliland oo dhan, waxa fashilmay guurtidii, waxa fashilmay golihii wakiilada, waxa fashilmay hay’adihii kale ee dastuuriga ahaa oo dhan. Waxa kale oo fashilmay cirroolihii, aqoonyahankii iyo siyaasiyiintii wax kala dhexdhexaadin lahaa.
Xigasho Halbeegnews

