Updated: January 17, 2013 London: Kulankaa oo ku bilaabmay jawi aad u fiican waxa uu bilaabmay 8:00da fiidnimo cashada ka dib. Hadalka waxa bilaabay Gudoomiyaha Khaatumo ee U.K Prof: Maxamad Abdirahman oo marka hore erayo isbarasha ah xubnaha Awdalstate iyo Prof: Cali Galayr iyo wafdigiisa u kala gudbiyey, ka dibna ka siiyey war bixin kooban oo ku saabsan xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya reer Awdal iyo reer khaatumo ilaa lixdankii. Waxa kale oo uu ku dheeraaday wadashaqeynta labada maamul ilaa markii ay samaysmeen.428076_10151353143224752_2117239432_n

Labada maamul waxay hore u wada samaysteen gudi farsamo oo isku dhaf ah kuwaas oo kulano kala duwan la yeeshay haydaha iyo safaaradaha daneeya ama ka shaqeeya arrimaha somaliya. Wada shaqeyntu maalinba maalinta ka dambaysa waysii xoogeysanayaan iyadoo hawlo badana noo qorshaysan yihiin ayuu gudoomiyuhu hadalkiisii ku soo gabagabeeyey.408428_10151353157244752_577285929_n

Dhanka Awdalstate waxa hadalka la wareegay Prof: Muuse Cawaale Faahiye(G/Xigeenka maamulka Awdastate ee U.K oo marka hore salaam uu ka sido Madaxweynaha Awdalstate Garyaqaan Rashid Awnur Hirsi iyo hambalyo ku aadan dabaaldagii ka soo wareegtay sanad guuradii 1aad ee Khaatumo state u gudbiyey profiseer Cali Galayr iyo wafdigiisa Khaatumo. Ka dibna waxa uu warbixin kooban ka siiyey wafdiga guulihii uu madaxweynaha reer Awdalstate ka soo qabtay gaar ahaan Xamar isaga oo ka furay xafiiskii ugu horeeyey ee maamul goboleedka furto Somaliya iyo safarkiisii hada ugu dambeeyey ee Etoobiya ee uu gaadhay ilaa AWBARE.428076_10151353143224752_2117239432_n

Waxa kale oo uu wax ka taabtaabtay sida ay lagama maarmaan u tahay in wax lawada qabsado maadaama fakir kaliya oo ah midnimada Soomaaliyeed uu labada maamul ka dhexeeyo. Ugu dambayntii waxa gudoomiye xigeenku ka codsaday dhanka Khaatumo oo prof Cali Galayr hogaaminayo in ay si joogta ah u wada shaqeeyaan wixii waayo-aragnimo lehna la is dhaafsado.

Waxa kale oo dhanka Awdalstate isna hadal kooban oo ku saabsanaa xaalada nabadeed iyo siyaasadeed ee hada gobolka Awdal ka taagan ka soo jeediyey Eng: Maxamad Cali Faarax( Guddomiyaha xiriirka dibada ee maamulka Awdalstate UK) taas oo dadkii madasha joogey ay dhamaantood isku aragti ka ahaayeen.582273_10151353155864752_957769660_n

Ugu dambayna waxa hadalkii lagu wareejiyey Prof: Cali Galayr oo runtii aad u xiisaynayey yidhina aad bay caawa farxad iigi tahay in aan arko sida Soomaalinimada leh ee labada maamul Awdal iyo Khaatumo u wada shaqeynayaan. Waayo London ayey hawsha Soomaaliya ka socotaa sidaa darteed waa lagama maarmaan in la helo xoog iyo cod midaysan oo cadawga lagaga hortagi.

Yada oo bisha Mayna London ka bilaabmi doona wada hadal Soomaaliya loogu qabanayo sidii kii Feb 2012 oo kale waxa uu labada gudi farsamo ee labada maamul ku booriyey in hawshooda labalaabmaan una diyaar garoobaan siday uga qeybgeli lahaayeen.398131_10151353156779752_1650841313_n

Ugu dambayntii,Profiseerku waxa uu dhankiisa balan qaaday in wax alla wixii karaankiisa kala shaqeyndoono maamulka Awdalstate.

Gabagabada kulankaa waxa gudiga farsamada ee labada maamul ay soo saareen qodobadan soo socda:

1. In boodhka laga jafo, lana xoojiyo xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee U.S.P. 2. In labad maamul si wadajir ah ay iskaga kaashadaan arrimaha siyaasada, Saxaafada iyo wacyigelinta . 3. In labada gudi farsamo ee labada maamul ay si joogta ah u wada shaqeeyaan, maadaama ay London U.K tahay meesha arrimaha soomaaliya ka socdaan. 4. In si wada jir ah loogu diyaargaroobo wadahadalada dawlada U.K u qabaneyso dadka Soomaaliyeed bisha May ee sanadkan 7/05/13. 5. In la xoojiyo midnimada Soomaaliyeed, ishana lagu hayo isbedalada aragtida siyaasadeed ee dawlada Soomaaliya ee ku aadan gobolada woqooyiga.

Kulankan oo si guul ah ku dhamaaaday waxa dhanka Khaatumo u saxeexay prof: M. Abdirahman (Gudoomiyaha Khaatumo ee U.K). Dhanka Awdalstate G/Xigeenka Maamulka Awdalstae ee u.k prof: Muuse Cawaale Faahiye.

Mahadsanidiin

Maamulka Awdalstate ee U.K