Prof: Cabdisalan Xaaji Hadliye ayaa waxa uu yahay aqoon yahan ka soo jeeda Gobolada Awdal State of Somalia, cabdisalan waxa uu wax ku bartay dalka Maraykanka kana qaatay Shahaadada PHD-da oo uu ku diyaariyay Dhaqaalaha, Maamulka ; Maaraynta Dhaqaalaha Dawladdaha, Profesor cabdisalaan ayaa waxa u shaqooyin badan ka soo qabtay Dalka Marayka Gudihiisa isaga oo 1999 Mayor ku xigeen ka noqday Deputy Mayor Wanshington una qaabilsanaaa dawladda hoose ee washington arimaha horumarinta dhaqaalaha , 2001 waxa uu noqday la taliyaha arimaha maamulka maaliyada ee World Banka arimaha Aasiya, sanadkii 2002 waxa uu noqday madaxa UNDP-da Somaliya u qaabilsan Maamulka Maaliyada Dawladda Somalia.
Mudadii uu UNDP-da Somaliya Madaxda ka ahaa waxa uu Prof: Cabisalaan UN-ta u diyaariyay daraasad aad u qaaliya oo uu ku helay sumcad magac taasi oo wax tartay dhamaan dadka somalida oo dhan isaga oo wax ka qoray kana hadlay xawaaladaha Somalida sida ay u shaqeeyan UN-tana u sheegay in gacan siiyo loona fudaydiyo adeega bulshada somalida ay u hayaan Xawaaladuhu sanad walbana ay somaliya u diraan lacag gaadhaysa 800 Million oo dollar ilaa inta u dhaxaysa 1 Billion, taasi oo UN-tu ay markii danbe sharci ka soo saartay in wadan walba oo aduunyada ahi uu si sharci u hubiyo lacagaha somaliya u socda una ogolaado in loo diri karo lacagtas somaliya. Hada proffer ku waxa uu sarkaal sare ka ahaa Wold Bank isaga oo xaruntiisuna ahayd Dalka Kenya.
Prof: Cabdisalaan ayaa arinta magacaabistii dad badan oo aqoon yahana oo kale duwan oo Somali ah ay aragtiyo kala duwan ka bixiyeen, proffesorka ayaa lagu tiriyaa aqoon yahay aad ugu dhaw dalka maraykanka oo dhalasho ka hayso, isaga oo hadana madaxweyne xasan sheekh maxamuud uu u kaxaystay safarkii maraykanka danaynaya in uu proffesor ku uu wax wayn ka taro xidhiidhka maraykan Somaliya; gaar ahaan xaga mucaawinooyinka horumarka Somaliya;

