Yaa haya nabada dowlad beeleedka Somaliland ku faanto???
Dawlad goboleedka Somaliland ee woqooyiga Soomaaliya ayaa ku dacwida iney gobolada Somaliland nabad ku caano maalaan nabadna aheyd labaatan sanadood. Aduunweynahana la hortaga iney kaga duwanaayeen koonfurta Soomaaliya labaatankii sanadood ee u dambeeyay xaalada nabadeed ee ka jira Somaliland. Su’aashuse waxay tahay yaa haya nabada dowlad beeleedka Somaliland?
Horta ha la ogaado faraqa u dhexeeya woqooyiga Somalia iyo Somaliland
Marka hore waxa mudan in la ogaado faraqa u dhaxeeya isticmaalka kalmadaha woqooyiga Soomaaliya iyo Somaliland. Somaliland ma aha woqooyiga Somalia oo dhan (Somaliland is not the whole North Somalia). Islamarkaa woqooyiga Somalia oo dhami ma aha Somaliland (Northern Somalia as a whole is not Somaliland). Woqooyiga Somalia juqraafi ahaan waa woqooyiga khariidada Somalia oo dhan (North of Somalia). Dhulka loo yaqaano Somaliland waa gobolada dhexe ee woqooyiga Somalia. Taas macnaheedu waxa weeyi Somaliland waxay ku dhex jirtaa woqooyiga Somalia sida Awdal State ay ugu dhex jirto woqooyiga Somalia.
Sidaa darteed marka aan ka hadlayo Somaliland, ujeedadu waa gobolada dhexe ee woqooyiga iyo dowladooda la magac baxdey Somaliland. Gobolada kale ee woqooyiga Somalia sida gobolada galbeed iyo bariga waa gobolo dowlada SNM ee uu hogaamiyo horjooge Siilaanyo ay khasab ku heystaan oonan ogoleyn xukunka isirnimada ku saleysan ee Hargeysa.
Mida kale ee xusid mudani waa in la ogaado iney afar (4) dowlad goboleed ka jiraan woqooyiga Somalia;
. Awdal State (gobolada galbeed) . Somaliland (gobolada dhexe) . Khaatumo State(Gobolada bari) . Maakhir State (gobolada bari-bari)
Dowlad goboleedyadu waxay ka turjumayaan beelaha dagan woqooyiga Somalia. Taas macnaheedu waxay cadeyneysaa iney Somaliland ka mid tahay dowlad goboleedyada ka jira woqooyiga Somalia. Islamarkaana ay masili karto gobolada ay ka koobantahay dowlad goboleedka Somaliland oo ah gobolada dhexe qudha (Nothing less, nothing more). Islamarkaana Somaliland ka mid tahay gobolada Woqooyiga. Therefore, Somaliland is part of Norhtern Somalia.
Nabada Somaliland waxay ku jirtaa gacanata Gadabuursi (That is the reality. Believe it or not)
Hadii aan kusoo noqdo su’aashii cinwaanka qoraalkan ee aheyd Yaa haya nabada dowlad beeleedka Somaliland ku faanto??? Runta ha la isku sheego. Dowlad beeleedka Somaliland nabada ay ku faanto waxa hayaa ma aha xukuumada mana aha shicibkeeda oo ah beesha dhexe. Nabada Somaliland ku faanto runta hadii aan laga meermeerin waxa haya horena u hayay beesha Gadabursi. Han isfahamno Soomaalay af Somaali baan kuwada hadleynaaye – Gadabursi oo same-wade ah ayaa hore gacanta ugu hayay nabada Somaliland hadadaa aan joognana ku haya gacanta. Waana hubaal hadii Samaroon sii daayo nabada iney koonfurtii loogu faanayay nabadu ku faani nabad.
Kumanaan bog ayaan ka qori karaa sababta Samaroon gacanta ugu hayo nabada Somaliland, waxaanse soo ban dhigi afar qodob oo ku filan qoraalkan.
1- Nabada Somaliland Samaroon baa gacanta ku haya. Waxa la ogsoonyahay iney wanaagii iyo wada jirkii loo sameeyay Somaliland ku dambeysey dowlad beeleed. Waxa yadna la ogsoonyahay inuu fuudkii yicibeed ee laga filayay dowlad lagu dhisey heshiiskii beeleed ee Borama ku dambeeyay fuud ay cabaan beel qudhii. Gadabuursi wuu karayay iney daaqada ka tuuraan heshiiskii oo ay ka dagaalamaan damaca iyo gardarada beesha dhexe iyo dowladooda waxayse ka doorbideen iney wakhti siiyaan oo arintoodu waxay sal dhigeysey bari bay si uun noqon sahan dambey wax garandoonaan. Waxaase hubaal ah iney doqooniimo saaran Samaroon u macneysteen SNM iyo fursad ay dadkooda iyo dalkoodaba ku dhisaan iyo dhulbalaadhsi qaawan.
Murtida hadalkuse waxa weeyi nabadi ma jirteen hadii markiiba Samaroon hubka qaadan lahaayeen oo ay diidaan dowlad ku saleysan abtirsiin iyo cunsiri. Mase dhicin taasi oo waa sidaan u idhi nabada Somaliland Samaroon baa gacanta ku hayay xajiyayna oo diidey inuu dhiig daato.
2- Nabada Somaliland Samaroon baa haya oo waxa ka markhaati ah sida dowlada SNM u xagxaganeyso Samaroon si dhiig u daato. Samaroon baa nabada xajiyay markii ay samir muujiyeen ka gaabsadeena aarsi kana fogaadeen inuu dhiig qulqulo oo reer reer la isku weeraro maalintii haldoorkii Samaroon oo safar ah la qafaashey ee meydkoodiina la jarjaray ee lagusoo hortuurey dadkey ka dhasheen. Maalintaa wuu aarsan karayay Gadabursi waxayse ka doorbideen samir iyo tolkii mujrimiinta iyo dowladooda oo xilka la saarey oo la islahaa wanaaga wey garan. Mase dhicin ilaa maantadaana dacwad ku furani ma jirto dadna uma xidhna. Waana sidaan u idhi nabada Somaliland Samaroon baa gacanta ku haya.
3- Nabada lagu faano ee aduunkana lagag qarafeysto waxa haya Samaroon. Hadii Samaroon hubka qaadan lahaa oo ay u dareeri lahaayeen iney aarsadaan maalintii Saameel gaadmada fulayaashu ku dileen dad masaakiin ah oo hurda guryahooda nabadi gacantay ka bixi laheyd oo dhiiga qulquli lahaa ilaa Hargeysa dooxeeda. Samaroon baase samir ku tutuunsadey markale oo badbaadiyay dhiig Somali oo daata. Doqoniimo saaran Samaroon beyse u qaateen mujrimiintii. Siilaanyo iyo dadkiisa iyo dowladiisana aan xasuusiyo markale iney nabadu ku jirto gacanta Samaroon yaguse yihiin kuwa raba iney nabadu faraha ka baxdo
4- Maalintii la codeeyay ee aqlabiyadii la qarinayay dibada usoo baxdey ee Saylac maayarkii iyo ku xigeenkiiba noqdeen Samaroon waatii la bilaabay hudhuu hadhaa iyo hadal aan macno laheyn oo ujeedada ka dambeyseyna aheyd in dhulka Samaroon dhib yaraan lagu qaato. Ku daroo ereyadii qudhmuunaa ee ka dheeraa xilkas nimada ee Hargeysa lagaga dhawaaqey sal bey u dhigayeen in colaad la bilaabo oo dhiig daato. Samaroonse sidii lagu yaqaaney fiirsasho hufan ayuu ku dhaqaaqey si ay dalkooda u xajistaan dhiigna u daadan.
Maalintii caruurta Gadabursi Borama lagu dhex toogtey hadii uu Gadabursi hubka qaadan lahaa oo ilaa Hargeysa ay carari lahaayeen ma nabad baa maanta ooli laheyn Somaliland. Siilaanyoy runta isku sheeg. Nabada Somaliland Gadabursi ayaa gacanta ku haya idinkuse waad ku faantaane iney nabadu dhamaato waa arintiina.
Nabada Somaliland waa mid runtii dhan ka dhisan. Gadabursi ayaa gacanta ku haya. Qasabse maaha iney Gadabursi u xidhnaadaan nabada. Wey siideyn karaan waanay u dhowdahay iney siidaayaan hadii lala garan waayo. Xaqooda iyo sharaftooda ay ku seegeen nabada ay hayaana hadii loo qaato doqoniimo saaran iney sii daayaan nabada waa ku waajib. Gadabursina maaha inuu wax walba ku seego nabad aan lal wadin. Ha la ogaado nabadii iney Borama ka baxdey oo Saylac aysii socoto hadii wada jir loo qaban waayana baday ka talaabi waajib kuma aha Gadabursi oo qudha
.
Gadabursi samir aan xad laheyn ayay muujiyeen. Waana hubaal iney xaqooda iyo sharaftooda difaaci karaan. Cidna si gooni ah uguma xidhna nabadu. Waa mid ku haboon in lawada ilaashado. Hadiise ay daruuri noqoto dee Gadabursi wixii Alla baday waa iney yeelaan. Hub beel walba wey heysataa ku filan wixii dheeri ahna waa la heli karaa. Hubka Hargeysa walaa Burco walaa Jabuuti laguma sameeyo.Waa lasoo waaridaa meel laga keenaba. Cid waliba awoodaa wey leedahay. Nabadi hadii ay Gadabursi ku hadheyna dee nabad aan lala wadin ku daali maayaan ee wixii dadka oo dhan u roon yaan laga tagin.
Iskusoo wada
Nabad ay gobolada dhexe iyo galbeed ilaa Jabuuti lagu waaro gacanata Gadabuursi bay hore ugu jirtey maantana ay ku jirtaa. Qasabna kuma aha iney nabad u duloobaan. Hadii la garan waayo wanaag dee Gadabuursina wuu tuuri nin walba wuxuu Ilaahay baday bay noqon waana hubal in libintu u iman Gadabursi. Waase wax iskasoo horjeeda in nabad la diido oo hadana aduun weynaha lagula wareego nabad baa taala woqooyi. Awdal State iyo dadkeedu waa u diyaar difaaca dallkooda iyo dadkooda. Samaroon hadii uu nabada hayay waanu sii deyn ee hadhow yay noqon waan garnweyney.
Suleyman Dugsiiye


