January 05, London[AOL] Waxa maanta oo bishu tahay 4 January ka dhacay magaalada London kulan qado sharafeed oo dhex marey maamul goboleedyada Awdal State, Khaatumo State iyo Maakhir State. Qado sharaftan oo ay fidiyeen maamulka Khaatumo State ee london ayaa si qurux badan oo is af garad leh ku dhamaadey.

Waxa hogaaminayay dhinaca Khaatumo gudoomiyaha London Prof. Maxamad Cabdiraxmaan. Dhinaca Awdal State waxa hogaaminayay gudoomiye ku xigeenka gudida London ee Awdal State Prof. Muse Cawaale. Waxana uga qeyb galay wada hadalka Awdal State xidhiidhiyaha bulshada ee Yurub Eng. Maxamad cali Farax. Waxa islamarkaa goob joog ahaa afhayeenka Awdal State ee Canada Prof. Axmad Cumar iyo mudane Suleyman Cabdi Dugsiye oo safar ku jooga magaalada London.

Kulanka ayaa si qoto dheer loofalanqeeyay arimaha siyaasadeed ee ka taagan woqooyiga Somalia. Waxa islamarkaa si hufan loo qaada dhigey iskaashiga iyo wada shaqeynta sadexda maamul goboleed iyo sidii loo waajihi lahaa mustaqbalka dhow la iskaga kaashan lahaana si wada jir ah wixii u daneynaya maamulada.

Kulanka dhex marey maamul goboleedyada ayaa ku dhamaadey is afgarad iyo farxad waxana loo balamay kulan dambe oo ay la yeeshaan Prof Cali Khalif Galaydh oo ku sugan London.

Sawiradu waa kulankii maanta iyo soo dhaweyntii afhayeenka Awdal StateProf. Axmad Cumar ee Canada.

Awdal State Desk London UK