Hoheey Awdaleey maxaa dhiigaaga biyo ka dhigay ? Dhashaadii maxaa loo halabeeysanayaa? Dhulkaagi nimaan u dhalan muxuu ugu dhaadanayaa?  Maxaa geesigaaga gardaro loo gowracaa? Gayiga aad ahaayd guuluhu kuugu deeqay sowxankan ka soo yeedhay ma mid lagu sugay baa?

Asalaamu Calaykum dhamaan umada Islaamka  guud ahaan umada Soomaaliyeed ee dhiban meel kasta oo aay joogaanba gaar ahaan umada reer Awdal ee mar walba tacdiga joogtada ah lagu hayo, cabudhinta Iyo cagajugleeynta  ay u dheertahay dhulboob joogtada ah iyo dhagar aan geedna loogu soo gaban.

Dec.30 2012 waxaa lagu rasaaseeyay shicibkii reer Awdal ee sida nabadgalayada ah ugu muujinayay codkooda aay ku difaacyeeyn cadliga dalka ee dastuurku dhigay, halkaas oo 5 qof ku  dhaawacmeen  dhimashaduna inta haatan lahayaa aay laba marayso. Marka hore waxaan ka tacsidayeeynaya dhamaan umada reer Awdal dhimashadaa xaqdarada ku timid ee curdan dhadhay ubaxii dalka gaar ahaan waalidkii dhalay, qaraabadii, asxaabtii iyo dhamaan intii magac iyuo muuqba garanaysa waxaan leeyahay Ilaahay samir iyo iimaan ha idinka wada siiyo marxuumiintaana gacan ka gardaran baa dishee intii asaaxbtii nabiga la jaar noqota ha ka dhigo.

Maalintaasi waa maalin aan la ilaawi karin waa maalin qalbiga iyo maskaxdaba ku daabacnaan doonta taariikhduna xusi doonto, waxaan marnaba indhayga sawirkoodu siidaaynin, maskaxdeeydana marnaba ka bixi doonin qalbigayguna qiirada abid u daaynin waa sawirkii naxdinta badnaa ilmayar oo ilmahayga la mid ah geed hoostii ku dhiig baxay toban jeerna dhintay, waxaana marnaba aanan iloobi doonin deeymadiisii didsaneeyd ee tamardarneey rajo la’aantu ku dheehneeyd, waxaan dhawaaaqeedu dhagahayga ka bixi doonin hooyadii ilmaheedii oo dhimanaya shaahid u noqotay qaaylo quus huwan kaga dayaamisay, waa af kala qaad iyo lilmo gobo’da diiday. Ahay Awdaleey bal muxuu wilkaagu ku dhintay? Bal muxuu ka galabsaday askarigaa dhagar qabaha ah ee gar iyo mag la’aanta ku toogtay? Ma aan ku dhaxlo marna dhiigaaga cabo marna seefta iskugu kiin dhiibo surta iska wada jara sida sabigana  aan ku sasaba baa? Maan reerka wax damqadaa ku hadhin, ma meeydba meeyd baa lagu sugi sowta tabtii falasiin  la’inagu wado, ma Seeylac baa maanta muran gashay ma wax aan ku sugnaa mise sacabada ayeey wax hoos mareen?

Dacawo meesha aay macal ku dhadhamisay macaluul beey ugu go’daa!!

 Gadabuursi ilaa qarni kolba meel baa lagaga soo hunjuumayay inta badan inteena maanta nool sheeko ayay nagu tahay taariikhduse iyadaa dib isku qorta. Waxa taa daliil u ah sida wali cadaawadii Gadabuursi loo hayay aay u soo ifbaxayso, waa cadaawad iyo calool xumo jid ka jid la iskaga dhaxlay ee mid maanta unkuntatay maaha, waa tu Rooble afdeeb iyo ragii la midka ahaa aay geesteen la idinkaga aarsanayo maanta oo dowlado calanle micna wata loo sameeystay inta Gadabuursi wiilkooda aay ku korinayeeyn Somali jacayl, diin jacaayl iyo dariska oo la dhowro nabadana la adkeeyo daacadna dalkaaga loo ahaado maamulkana loo hogaan sanaado dowladahaana hagar la’aan loogu dhisay, ayaa dadna ku soo korinayeeyn sidii la idin bara saari lahaa loogana aarsan lahaa Gadauursi godobo badan ooy tirsanayaan awgeed oonaan inaguba ogeeyn. Taasi waa ta ku abuurtay in aay damac xad dhaafa yeeshaan gar iyo gardaba isku garab siiyaan Ciise iyo Issaq, marku Gadabuursi Jabuuti dhisay oo uu Xaaji Diide udubada u aasay in maanta magaciisii iyo raadkiisii la tiraa iyo intii ka danbeeysay guumeeysiga geedka ku xidhay xoriyada keenay, waa sida Seeylac loogu talaabay, waxaan taa ka wadaa si uuna Gadabuursi xadaaradiisi iyo xaqiisii Jabuuti uga hadal waa in lagula looltamaa Seylac la majaro habaabiyaa, halkaa waxa ka cad (Psychological manipulation) in Gadabuursi lagula dhaqmay sidoo kale Isaaquna taa uunbu ka dab qaatay weeyn ku heshiiyeen in horta la idin kala furfuro, la isku kiin diro quwadiina la wiiqo ka bacdina xero geel la idinku oodo, sidaasi  waa sida aay shaxda u dhigeen rageedu haddii aay u kacaana si kale ayeey noqon oo maantaba wataa dhabada cagta loo saaray, maalin baa iman doonto aay dib u baryootamaan wixii aay xaqdarada ku dhiseen dumi doono.
Mid baa iga dardaarana Gadabuursow garo waxa kugu meegaarsan garana danta guud , badbaadi dhaxalkii awoowgaa gayigaagu waa qaniye ka dhowr hadar daamada nin jeclaaysi iyo tafaraaruq waakaa loo sadqeeyay ubadkeeni ee lagusoo dhiiraday Booorama gudaheeda in wax aqligal ahayn la idinkula hadlo la idiinku tar sheegtay,dugtoonaada oo midnimo muujiya damacna yeesha balanteenuna waa ilaa Jabuuti in aan kaalinteeni ka qaadanaa dibna yaan loo ogolaan in dhiigeeno biyo noqdo. Soomaali maanta weey kala tageen reer waliba sumad u gaar ah ayuu sameeystee inagana tii Samaroon inoo doona.
Wa bilaahi tawfiiq
Fatxiya Cumar Kaahin