Hargeysa-Awdalonline, siyaasiin ka soo jeeda maamulka Garadag State ee ururka SNM ayaa lagu soo waramayaa iney u sii jeedaan dhanka iyo magaalada Muqdisho si ay uga mid noqdaan dowlada Faderarlka ee Jamuuriyada Somalia wararka laga helaayo magaalada Hargeysa ayaa tibaaxaya inay dad badani xaqiiqdii hadda fahmeen isla markaana ay soo afjarantay riyadii ictiraaf raadinta beesha caalamkuna u quus gooysay qadiyadii gooni goosadka Somaliland Shirarkii kala duwanaa ee loo qabtay maamulada ka jira Somalia iyo dowladii TFG oo arintasi loogu bayaamiyay,
Waxaa isa soo taraaya Saladiinta, Siyaasiin iyo Ganacsatada raba iney fursadani ka faaiideystaan si ay ula sii jaan qaadaan nidaamka cusub ee Jamuuriyada faderarlka Soomaaliya ay gashay,
Dhanka kale xiligan kala guurka ayaa iyana waxaa meesha ka maqnayn Maamulka Awdal state iyo Khaatumo oo wufuud isdaba jooga ugu diray magaalada muqdisho si ay kulamo ula qaataan madaxda sare ee qaranka.
Dadweynaha ku nool magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa iyaku ku jaahwareeray ururo iyo xisbiyo wax ay ku soo kordhinayan aan la garanaynin iyo Siyaasada aamusan ee Ahmed Siilaanyo inkasta oo uu maamulka Siilaanyo si aan gabasho lahayn u sheegeen inay qayb ka ahaayeen doorashooyinii dhawaan dalka ka dhacay ee lagu soo doortey Madaxweyne Xasan sheekh maxamuud.
Warqabadka AwdalOnline

