Waxa dhici karta inay dad badan iskaga qasan tahay cidda u afhayeenka uu uyahay ina xaamud Jibril (Cali Nus) ee magaceeda ku hadlayo. Waxa laga yabaa qaar inay u qaatan inuu ku hadlayo afka xukumadda,Waxa laga yaabaa qaar kalena inay uqaataan inuu ku hadlayo afka Reer Awdal, halka qaar kalena laga yaabe inay u qaatan inuu ku hadlayo beeshiisa M/Case .

Habase ahatee Cali Nus intaa midna uma hadlayo. Cidda ka dambaysaa ee ku adeegataa waa Uur-Ku-Dhiigle  Abiib Timacad oo uu afkisa ku hadlayaa.

Sidaad ka warqabtaan Cali Nus waa nin da’yar aqoon aan lahayn, hadana hawlaha uu fuliyo waa kuwa aad u culus oo lagu waxyeeleeyo bulshada Reer Awdal dhamaantood. Cali nus qaabka uu ku soo galay siyasadda ma aha wax ku soo boodo ah oo nasiib ku timid. Laakiin waa qorshe aad looga soo shaqeeyey oo cadawga bulshada reer Awdal  soo maleegay oo uu hormood ka yahay Uur-ku-dhiigle Abiib Timacad oo abti u ah Cali Nus. Waxa sida aan ku hayno warar xogogaal ah Cali nus ka qayb qaatay qorshihii lagu qashay Afartii marxuum ee lagu gumaaday Jidka Gabiley iyo Kalabaydh 7/112009.

Waxa lasoo ogaaday in Abtigii oo ahaa maskaxdii ka dambaysay falkaa waxshiga ah uu Boorama yimid laba cisho ka hor dilkaa oo uu joogay Guriga Cali Nus. Waxa la qorshaynayey dadka la beegsanayo oo waxa la ururinayey maclumaad ku saabsan dadka safarka Boorama uga baxaya Boorama ee tagaya Hargaysa maalmahaas ka hor dhiilada.

Waxa Abiib timacad iyo Cali nus ay bar tilmaamsadeen Afar nin oo magac ku leh bulshdada Reer Awdal sida Cali Bagaashle (AUN) oo ahaa nin ganacsade oo caan ku ahaa bulshada Boorama.Waxa kaloo ay bartilmamsadeen laba nin oo kale oo ka ganacsan jiray baabuurta oo geerash laahaa iyo nin aqoon yahan ah. Uur-ku-dhiigle Timacad waxa uu ku qanciyey Cali nus inay ragga la bar tilmaamsanayaa ay yihin Makaahiil badankoodu iyo nin H/Carfaan ah (Jibraacin ) hase yeeshee aan Maxadcase ku jirin. Macluumaadkan waxa la siiyey koox kale oo Hargaysa joogtay oo aad ula socday dhaqdhaqaaqa wakhtigaa ragaasi ay ka soo noqonayaan safarkooda ilaa Borama iyo qaabka iyo gadiidka ay  ku soo noqonayan.

Waxa la diyaariyey Ragii faldambiyeedka fulin laha oo intoodabadan laga keenay Gabiley iyo Wajale.Waxa la adeegsaday baabuur xukumaddu leedahay oo ciidamadu leyihiin  iyo kuwa Private ah intaba. Markii qorshahaas la dhamaystiray ee ay kaliya hadhay fulintii ayaa Uur-ku-dhiigle Timacad iyo Cali Nus ay yimaadeen Hargaysa.

Baaburkii uur ku-dhiigle Timacad waxa adeegsaday oo  soo qaatay inankisii oo ka mid ahaa ragii falkaa waxshiga ah fuliyey. Dadkii Reer Boorama ee ka badbaaday gumaadkaas ayaa ugu horaynba gartay baabuurka Abiib Timacad oo dhowr cisho ka hor Boorama joogay. Waxa kaloo magacyadii mujrimiintii falka gaystay ee la helay 24 saacadood ee u horaysay ka mid ahaa wiil uu dhalay Uur-ku-dhiigle Abiib Timacad iyo Cawar Xareed iwm. Wiilka uu dhalay Uur-Ku-Dhiigle Abiib Timacad iyo Cawar Xareed iyo dhowr  kale waxa hadda ay u xidhanyihiin Falka waxshiga ee lagu qashay afartaa marxuum ee reer Awdal 7/11/2009. Hase yeeshee Uur ku dhiigle Abiib timacad iyo Cali waa Wasiiro ka tirsan xukuumadda inkastoo gacan-ku-dhiigle lagu eedeeyey loona xidhay Dilkii  Labaad ee SAAMEEL EE DEC.2011.

Cali Nus iyo Uur-ku-Dhiigle Abtigii Timacad waxay hadh iyo habeen maleegayaan dhibta iyo dhagarta reer Awdal. Cali nus waad la socotiin dhibta uu ugaystay dhalintii reer Awdal ee dugsiyada ee dhinaca waxbarashada oo hoos u dhacday ka dib markii uu macalimiintii tayada lahayd ka dhameeyey dugsiyada isagoo ku bedelay kaalintoodii dadkale oo mushahar macalinimo ku qaata oo ka soo jeeda Deegaanada Gabiley iyo Wajale iwm.

Shalay oo u dambaysay isagoo fulinaya una adeegaya Gacan-ku-dhiigle Abiib Timacad ayuu ka been sheegay hadaladii Xildhibaanada Reer Awdal si uu uga hor keeno umadda reer Awdal.

Cali Nus ma aha nin fayow ee isaga qudhiisu waa Gacan ku dhiigle kale oo sanadihii 1989 waxa uu Muqdisho ku dilay wiil dhulbahante oo tolku  magtiisi bixiyey. Markii jeelkii laga soo daayeyna waxa loola cararay dallka Pakistaan halkaasoo uu mudo joogay isagoo ku soo bartay balwado  khatar ah oo  dhimirka(Maskaxda) wax u dhima sida Xashiishada iyo  Opiumka iwm, kuwaas oo markii dambe uu ku waashay muddana laga daweynjirey.

Gabagabo nin waalan wax uu qaso mooyee wanaag male. Xusbigii Kulmiye iyo wasaaradii waxbarshadaba wuu qasay. Marwada hogaamisa waxbarashada Somaliland sida laga warqabo dhowr jeer oo ay isku dayday inay Cali nus joojiso waxa xafiiska isku xidhey Saylici oo cidna u juuqi waayay xafiiskiisiina kasoo bixi waayay. Si ay dowladu u dambabastana marwadaa amar lagu siiyay iney Cali Nus faraha ka qaado si uu bal Saylicina usoo baxo oo uu maqaskii u qaato.

Maamulka wasaarada waxbartashaduna wey ogyihiin dhibta uu ku hayo Cali Nus gobolada Awdal iyo Salal oo uu u heysto inuu yahay wasiirka waxbarashada laakiin uuna u ahayn gobolada kale oo isgaaba afkiisa laga hayaa maalin qudhana laguma arag gobol kale. Waxaan kula talin lahaa dowlada Siilaanyo iney calool adeygaan oo ay dibada dhigaan Cali Nus si loo badbaadiyo wasaarada waxbarashada iyo maamulka laga filayo Kulmiye guud ahaan gaar ahaana loo badbaadiyo waxbarashada Awdal iyo Salal iyo Karaamada bulshada sharafta leh ee goboladaa ku nool.   Khadar Warsame   Khadar.samaron@gmail.com