JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA

Shir ay albaabadu u xiran yihiin oo qaatay muddo halsac ah 10:30 ilaa 11:30 Subaxnimo ayaa waxa uu dhex maray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Awdal State & Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Kaas oo ka dhacay Xarunta Villa Somalia Muqdisho.

Wuxuuna u Dhacay Jawi Wanaagsan iyo is afgard Qota Dheer waxaana halkaasi hadal ka qaatay Madaxweynaha Awdal State Mudane Garyaqaan Rashiid oo ku nuux nuuxsaday is barasho kadib si hufanna uga hadlay Sababaha ay ku timid abuurista awdal state taas oo ay xudun u ahayd Rabitaanka Bulshada Reer awdal in ay iyagu is xukumaan kana tashadaan Aayahooda Kana Mid Noqdaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuuna Madaxweynaha Awdal State intaasi ku daray in Xuquuqda Reer Awdal ay Tahay Mid Muqadis ah Loogana Baahanyahay in ay Damaanad Qaado Dowladda Cusub ee ka Dhalatay Soomaaliya Taasoo oo laga Gaari karo in la fuliyo Dastuurka Umadda Soomaaliyeed waxaa kaloo uu ka hadlay Madaxweynaha Awdal State Qodobka 70aad ee Dastuurka oo ka Hadlaya Qaabka loo Dajinayo Maamul Goboleedyada Dalka Taasoo uu Carabka Ku jiiday in Reer Awdal ay Dagan Yihiin Laba Gobol oo kala ah Awdal iyo Gobolka Waqooyi Galbeed Isla Markaana uu gobolka lee Yahay Aqoon & Dhaqaale ku Filan Taasoo ah Shuruudaha loo baahanyahay in la abuuri Karo Maamul Goboleed.

Waxaa isana Sii Qaatay hadalka Wasiirka Difaaca ee Awdal State Col. Xasan Xuseen Riiraash Waxa uuna ku nuux nuuxsaday Xal u raadinta iyo Nabadeenta Deegaanada Awdal State, waxaana uu ka hadlay dib u heshiisiinta Gobolada Waqooyi iyo kuwa Koonfureed inay awdal state ay ka ahaato Goob joog, Si Looqaato Go’aan Kama Dambeys ah oo raali gelin kara Shacabka Reer Awdal kaasoo ah fursad usoo hoyatay Midnimada Umadda Soomaaliyeed iyo Tan Awdal State-ba.

Intaa Kadib waxaa hadalka qaatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Marka hore waxa uu sheegay inuu aad iyo aad ugu faraxsan yahay inuu kulan la qaato Madaxda ugu sareysay Awdal State iyo sida hufan ee ay usoo bandhigeen Hadafka Siyaasiga ah ee ku wajahan Gobolada awdal state wuxuuna intaas ku daray in si wada jir ah looga wada shaqeyndoono Midnimada Cadaaladda iyo Sinaanta umadda soomaaliyeed.

Waxaa kaloo uu balan qaaday in jaamacadaha ku yaala Gobolada Awdal State uu la sameyn doono xiriir toos ah, wuxuuna ka dhawaajiyay inuu siin doono taageero buuxda gobolada Awdal State Shacabka ku Dhaqan iyaga laga Rabo Taageeradooda.

Shirkaasi oo ahaa mid ku gaba gaboobay Jawi aad usareeya mana Noqon Doona Midkii ugu dambeeyay.

Awdal State Guul

Awdal state Office in Mogadishu – Somalia