Intaanad akhristaha reer Awdalow qoraalkan sii wadin fadlan xasuuso odhaahdii odhaneysay ” Raganimow ninkaagii nacasnimo maxaa baday?” Kadib akhri qoraalka oo u fiirso qudhunka aan dugsaneyno. Garo macna la’aanta aan isku dileyno. Xaqiiqso taya xumada la inagu beeray oo xasuuso sacabka aan u tumayno dadka foolxumada ina dulsaaray. Isweydii oo si run ah naftaada ugu jawaab adiga oo xasuusanaya ereyada dadkeenu ka dhawaajaan ee odhanaya inaan Somaliland reer Awdal sameeyeen oo dhidibada u aaseen. Matanaa tii aad dhidibada u aasteen eed isku sheegteen inaad tihiin Hooyada dowlad beeleedka la magac baxay somaliland? Waxaan kasoo xiganay qoraalkan Halbeegnews.

Shaxda Wasiiradda Beelaha Iyo Beelaha Ay Ka Soo Jeedaan

Beesha Dhexe

1. Wasiirka Arrimaha Gudaha Beesha Dhexe

2. Wasiirka Arrimaha Dibadda Beesha Dhexe

3. Wasiirka Cadaaladda Beesha Dhexe

4. Wasiirka Caafimaadka Beesha Dhexe

5. Wasiirka Macdanta biyaha iyo Tamarta Beesha Dhexe

6. Wasiirka Warfaafinta Beesha Dhexe

7. Wasiirka Waxbarashada Beesha Dhexe

8. Wasiirka Qorshaynta Qarranka Beesha Dhexe

9. Wasiirka Kalluumaysiga Beesha Dhexe

10. Wasiirka Madaxtooyada Beesha Dhexe

11. Wasiirka Duulista Hawada Beesha Dhexe

12 Wasiirka Xanaanada Xoolaha Beesha Dhexe

13. Wasiirka Maaliyadda Beesha Dhexe

14. Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Beesha Dhexe

15. Taliyaha Ciidanka Qarranka Beesha Dhexe

16. Taliyaha Ciidanka Booliiska Beesha Dhexe

17. Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Beesha Dhexe

18. Taliyaha Ciidamadda Bedda Beesha Dhexe

19. Taliyaha Waaxda Socdaalka Beesha Dhexe

20. Agaasimaha Haayadda Aidska Beesha Dhexe

21. Agaasimaha Haayadda Xuquuqul Insaanka Beesha Dhexe

22. Agaasimaha Haayadda La Dagaalanka Masiibooyinka Beesha Dhexe

23. Agaasimaha Haayadda ilaalinta tayada cuntada Beesha Dhexe

24. Xidhiidhiyaha Xukuumadda Iyo Haayadaha Qaramada Midoobay Beesha Dhexe

25. Agaasimaha Haayadda Budhcad Badeeda Beesha Dhexe

26. Agaasimaha Haayadda Qurbe Jooga Beesha Dhexe

27. Agaasimaha Wakaaladda Kaydka Haamaha Shiidaalka Beesha Dhexe

28. Agaasimaha Haayadda Xafidida Macluumaadka Iyo Tiknoolajiyadda Beesha Dhexe

29. Agaasimaha Madaxtooyada Somaliland Beesha Dhexe

30. Madaxa Xafiiska Madaxweynaha Beesha Dhexe

31. Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Beesha Dhexe

32. Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Beesha dhexe

33. 22 La Taliyayayaasha Madaxweyahu leeyahay 17 ayaa Beesha Dhexe ka soo jeeda

Beesha Awdal

1. Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Beesha Samaroon

2. Wasiirka Wershadaha Beesha Samaroon

3. Wasiirka Beeraha Beesha Samaroon

4. Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Beesha Ciise

5. Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda Beesha Samaroon

Beesha Daarood

1. Wasiirka Hawlaha Guud iyo guryaynta Beesha Dhulbahante Daarood

2. Wasiirka Gaashandhiga Beesha Ugaas Labe Daarood

3. Wasiirka Ganacsiga Beesha Dhulbahante Daarood

4. Wasiirka Deegaanka Beesha Wersengeli Daarood

5. Wasiirka Dibu Dejinta Beesha Dhulbahante Daarood

6. Agaasimaha Haayadda Waddooyinka (Waa La Baabiyey Haayadaasi) Wuxuu ka soo jeeda Beesha Dhulbahante laakiin waa la tirtiray waxaana la hoos geeyey Madaxtooyada.

7. Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha qaybta Maamulka oo keliya Beesha Dhulbahante

Haayadaha Dawladda Iyo Kuwa Dawladdu Saamaynta Ku Leedahay Magacaabistooda

Haayadaha dawladda kuwa ay magacaabistooda ku leedahay Xukuumadda saamaynta iyo kuwa kalaba %95 waxaa gacanta ku haya xubno ka soo jeeda beelaha dhexe, waxyaabaha layaabka mudan waxaa ka mid ah xilka xidhiidhiyaha xukuumadda Somaliland iyo haayadaha qaramada midoobay oo uu hore u ahaa xubin ka soo jeeda beelaha Awdal ayaa xilka laga bedelay waxaana lagu bedelay xubin ka soo jeeda beesha Madaxweyne Siilaanyo oo aan weliba qarsanba jirin mabda’iisa Soomaaliynimo.

Taasi waxaa ka sii darran Wasir ku xigeenadda iyo Agaasimayaasha oo %92 ka soo jeeda Beesha dhexe.

Safiiradda Dalalka Dibadda

1. Safiirka Dalka Maraykanka Beesha Dhexe

2. Safiirka Dalka Ingiriiska Beesha Dhexe

3. Safiirka Dalka Ethiopia Beesha Dhexe

4. Safiirka dalka Jibouti Beesha Dhexe

5. Safiirka Dalka Sweden Beesha Dhexe

6. Safiirka Dalka Koonfurta Sudan Beesha Dhexe

7. Safiirka Koonfur Afrika (Waa La Baabiyey)

8. Safiirka Dalka Canada Beesha Samaroon.

Axsaabta Siyaasadda

Dalka waxaa ka jira oo dhawaan la filayaa inay u tartamaan doorashada golaha deegaanka todoba urur siyaasadeed Yaa Doonaya Inay Madaxweyne u noqdaan.

1. Ururka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Beesha Dhexe

2. Ururka UCID Jamaal Cali Xuseen Beesha Dhexe

3. Ururka Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro Beesha Dhexe

4. Ururka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac Beesha Dhexe

5. Ururka Ummadda Maxamed Cabdi Gaboose Beesha Dhexe

6. Ururka Dalsan Ismaaciil Aadan Cismaan Ismaaciil Yare Beesha Dhexe

7. Ururka Rays Xasan Gafaadhi Beesha Dhexe.

Habayaraate todobada urur siyaasadeed ma jirto urur uu hogaaminayo siyaasi beelaha darafyadu marka macnaheedu waxay tahay xita mustaqbalka danbe beel aan ahayn ta dhexe oo Madaxweyne noqonaysa ma jirto caqligaasi waa mid noocee ah?

Doodda Madaxweyne Ku Xigeenka

Madaxweyne Ku xigeenku waa xil aad u awood darran marka la eego dastuurka Somaliland oo kaba sii awood liita wasiiradda ma laha door cayimin oo uu Madaxweyne ku xigeenku u xil saaranyahay marka laga reebo wuxuu dastuurku odhanayo oo ah inuu qabanayo wuxuu Madaxweynahu u igmado oo noqonaysa inuu xafladaha ka qayb gallo ama uu meel la furayo xadhiga ka jaro.

Maxaa Ka Sii Amakaag Badan!!?

Arrinta layaabka leh waxay tahay in Madaxweyne Siilaanyo oo dhawaan magacaabay Saleeban Xaglatoosiye una magacaabay xilka wasiirka dibu dejinta haba loo magacaabe eh layaab malaha eh wasaaradda loo magacaabay ee wasiirka looga dhigay waxaa joogay wasiir ka soo jeeda gobolka Awdal waxaa laga xishooday in xilka laga qaado waxaana loo magacaabay wasaarad cusub oo jeebka lagala soo baxay oo ah wasaaradda wershadaha dad badan oo caqli leh ayaa waxay isweydiinayaan Madaxweyahu haddii ay ka dhabtahay inuu dalka mideeyo oo saamiga iyo sadka qarranka is gaadhsiiyo muxuu u dhimi waayey xilalka xadka dhaafay ee caqliga caafimaadka qaba ka xishoodo ee beelaha dhexe oo %95 dalka haysta, waxaaba layaab sii leh Xaglatoosiye wuxuu wax ka yaqaanay arrimaha tamarta oo uu bartay maxaa loogu magacaabi waayey Wasiirka macdanta iyo biyaha, miyaanayse ka sii fajac badnayn marka Xaglatoosiye oo ka soo jeeda Buhoodle oo callankii Soomaaliya ka babanayo Somaliland laga necebyahay xilka looga qaaday wasiir ka soo jeeda Dila oo ah udub dhexaadka Somaliland

Cunsurinimada Madaxweyne Siilaanyo

Soomaalidu waxay tidhaahda Nin Weyn tag Lama yidhaahdo eh wuxuu ku taga la tusa, Madaxweyne Siilaanyo wuxuu hore u diray farriin ah inuu yahay cunsuri siyaasadeed maalintii uu magacaabay golahiisa wasiiradda laba sanno iyo badh ka hor, wuxuuna si cad u muujiyey inaanu weli iloobin xafiiltankii siyaasadeed ee isaga iyo Rayaale dhex maray isagoo u rogtay inuu qaab qabiil u ficiltamo isla markaana iloobay inuu Madaxweyne u yahay Somaliland oo dhan ee aanu Madaxweyne u ahayn in gaa rah, taasi oo uu kaga aargoosanayo reer Awdal wuxuuna sii xoogeeyey Madaxweynahu inuu cunsuri siyaasadeed sii dhaafay oo usii qallin jabiyey inuu yahay qabiili, qarran dhisitaan ka door biday inuu sadbursi ku kala qaybiyo wada jirkii Somaliland.

Waaqoraalkii halbeeg news. Waa qoraal run sheeg ah. Su’aashuna waxay tahay reer Awdalow Intaa ma garaneynaa mise inaan Hargeysa u kala badino uun baa inoo muuqata ileen dadnimadeenii la baabiiye????

Gabo gabadu waxay tahay laba erey ee ka gudooma Dugsiiye reer Awdalow;

  1. Gadabuursi ceeb u daan adagaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa !!!
  2. Haddii aad dhimaneyso soo reer Awdalow dhareerka la iskama duwo waa sidee arinteenu

Suleyman Dugsiye