Horjoogaha Maamulka SNMta Siilanyo ayaa mar uu la hadlayey xubno ka tirsan jabhadii SNMta ayaa wuxuu sheegey in golaha guurtida ahaayeen odayaal ka tirsanaa SNMta oo kala dhexgala hadii uu yimaado qilaaf ama iska horimaad siyaasadeed. Sidaa darteed guurtida waxaa abuuray oo sameeyey jabhadii SNM, dastuurkii jabhada SNMta ee guurtida ayaa loo soo raray waxa ay ugu yeedhaan Qaran Somaliland kaas oo ah kii SNMta.

